Guddiga dib u heshiisiinta Arimaha Gobolka Gedo ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u soo gudbiyay Warbixinta howlihii u qabsoomay iyo talo soo jeedintooda la xiriirta xal u helista arrinta Gedo.
Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddiga uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixiyeen waajibaadkii loo igmaday ee arimaha Gobolka Gedo.
Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo ayaa socdaal shaqo ku tegay magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo, halkaasoo ay kulamo kula qaateen qeybaha bulshada ee Bulshada, waxayna socdaalkooda ku soo gabo gabeeyeen magaalada Kismaayo oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Ra’isulwasaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay sida xalka looga gaaray arinta Gobolka Gedo wuxuuna sheegay in Kali ah ay hada Dhiman tahay inuu Madaxweynaha maamulka Jubaland uu soo Magacaabo Maamulka Magaalada Garbahaareey oo isaga loo soo gudbiyo isna uu madaxweynaha Gaadhsiiyo.
Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hoosta ka Xariiqay inay Sida ugu dhaqsiyaha badan Xubno Xukuumadiisa ka socda u Gaari doonaan gobolka Gedo halkaasna laga Bilaabi doono Mashaariic dhanka Hormarinta iyo Binu aadanimada ah isagoo Tilmaamay in Xafiiska Ra’isulwasaarah Ciidanka amaanka Soomaaliya iyo AMISOM ay si wada jir ah uga shaqaynayaan Amniga doorashada lagu qabanayo Garbahaareey.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhanka kale wuxuu ka hadlay warar soo baxayay oo sheegayay inay jiraan siyaasiyiin iyo shakhsiyaad loo diiday inay u dhoofaan gobolka Gedo, isagoo ku amray hay’adda Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA iyo Ciidamada boolisku inaysan qofna ka celin karin halka uu doonayo inuu u dhoofo.
Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in muwaadinku xaq u leeyahay inuu u safro meeshii uu doono, aysanna aheyn in xaqqiisa lagu xadgudbo. “Muwaadinka musharraxa ah wuxuu xaq u leeyahay in la dhowro xuquuqdiisa muwaadinimo iyo fikirkiisa, uuna magaalada uu doona ka safro, una sufro halkii uu rabo ayuu yiri Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.
Maxamed Xuseen Rooble Ra’isulwasaarah Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya ayaa dhanka kale wuxuu Bulshada Soomaaliyeed Faahfaahin ka siiyay arinta Soomaaliland wuxuuna sheegay inay Meel wanaagsan Marayso arintaasi ayna ka go’an tahay qabashada Doorasho Xor iyo Xalaal ah oo lagu wada Kalsoon yahay.