Madaxtooyada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa war saxaafadeed ka soo saartay howlgalada ka socda deegaanada Mudug, iyo dagaalka dhex-maray Ciidamada dowladda dhexe,Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah & Al-Shabaab.
War-Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guul laga soo hoyay, isla markaana Ciidamada Ammaanka Galmudug oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa guluf dagaal ku qaadeen Al-Shabaab, iyagoo ka saaray deegaano iyo tuulooyin dhowr ah oo dhaca Koonfurta Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya.
Warka ka soo baxay Madaxtooyada Maaamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in Howlgalladaan ay ahaayeen kuwo guul lagu gaaray lagana xoreynay Al-Shabaab Saldhigyo muhiim ah, 20-kii Bishaan Luulyo ay sidoo kale duqeyn diyaaradeed ka dhacday koonfurta gobolka mudug taasoo ay iska kaashadeen ciidamada XDS, ciidamada Kumaandooska Danab iyadoo Ciidamada Maamulka Galmudug ay hadda dagaal kula jiraan Al-shabaab, waxaana Ujeedada duqeyntu aheyd in la ilaaliyo Difaacyada Ciidamada qalabka sida ee ku wajahan cadawga ayadoo weeraradaana si guul ah loo qaaday maadaama aysan waxyeelo soo gaarin dadka rayid ah.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug Axmed macalin Fiqi ayaa hadda ku sugan jiida hore wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay sii wadida howlagallada ka dhanka ah Al-Shabaab si loo hubiyo Amniga muwaadiniinta loogana hortago weerarada Al-Shabaab.
In ka badan laba todobaad ayaa howlgallo iyo dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah & Al-Shabaab waxaay ka socdeen Koonfurta Gobolka Mudug, waxayna Ciidamda Dowladu la wareegeen degaano dhowr ah oo horay shabaabku ugu sugnaayeen.