Wasiirka Maaliyadda Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Xasan Shire Abgaalow ayaa sheegay in sharciga ay horgeyn doonaan dadka Ajaanibta ah ee diidan bixinta Canshuuraha ku waajiba mushaaraadkooda .
Waxa uu Xusay inuu jiro nidaam Canshuur qaadis oo ay sameyeen balse ay jiraan shaqsiyaad si ula kac ah u diidan bixinta Canshuurta lagu leeyahay ganacsiyadooda iyo mushaaraadka ay qaataan kuwa ajaanibta ah balse hadda ay hirgashay qaadista Canshuurta qofka diidana uu yahay dambiile .
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Canshuuraadka ay ka qaadan goobaha ganacsiga ,guryaha , gaadiidka iyo shaqaalaha ajaaniibta ah taasna ay doonayaan inay ka hirgaliyaan dhamaan deegaanada Maamulka Puntland .
Marar badan ayuu Maamulka Puntaland uu digniino kala duwan u diray shaqaalaha ajaaniibta ah ee ku sugan deegannada Maamulkaasi ee diidan bixinta Canshuuraha kuwaajibay mushaaraadkooda.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Puntland digniin u dirtay dadka ajaanibta ee deegaanada maamulkaas ku sugan