Xubnaha Midowga Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha dalka Soomaaliya oo Maalmihii la soo dhaafay Kulamo ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa Kulankooda uga hadleen Arrimaha Doorashooyinka iyo walaac ay sheegeen inay ka qabaan arrimahaas.
Kulan ay Galinkii danbe ee shalay illaa Xalay ku lahaayeen Xubnaha Midowga Musharaxiinta Huteelka Jazeeraee Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka soo saareen war saxaafadeed ay uga hadlayaan xaaladda doorashada iyo caqabado ay sheegeen in haddii aan xal degdeg ah loo helin dib u dhac ku keeni karaan habsami u socodka doorasho hufan oo loo dhan yahay kana dhacda dalka Soomaaliya Bilooyinka soo aadan.
Midowga musharaxiinta ayaa sheegay in xaaladda dalka ay marayso Meel hubanti la’aan ah sida ay hadalkooda u dhigeen loona baahan yahay in il gaar ah lagu eego.
Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay ka welwelsan yihiin faragelin uu ku hayo habsami u socodka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo walow aysan soo bandhigin Cadayn Muujinaysa inuu Madaxweynuhu faragalinayo Habsami u socodka Doorashada.
Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Soomaaliya Ridwaan Xirsi ayaa warbaahinta Faahfaahin ka siiyay waxyaabaha ay caqabadaha u arkaan.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Midowga musharraxiinta Soomaaliya oo walaac ka muujiyay habsami u socodka doorashada