Ra’iisul wasaare Rooble oo beesha caalamka kala hadlay doorashooyinka

0
365

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulamo goonni goonni ah la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen.
Rooble iyo labada Safiir ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya ee uu hormuudka ka yahay.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Ergayga gaarka ah ee Norway ayaa ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ay uga mahad celiyeen dadaalkiisa ku aadan sidii ay dalka Soomaaliya uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.