AKHRISO:Wasaaradaha caafimaadka ee waqooyi bari oo tallaabooyin ka soo saaray COVID19

0
525

Wasaaradaha caafimaadka ee ismaamullada Garissa ,Wajeer iyo Mandera ayaa si wadajir ah u soo saaray war -murtiyeed ku aaddan tallaabooyin la adeegsan doono xilliga munaasabadda ciidul adxaa ee 20-ka bishan Toddobaad si loo xakameeyo faafitaanka cudurka COVID19.
Qoraalka waxaa ku xusan in Kenya ay wajahayso wajigii saddexaad ee caabuqa iyadoo faraca cusub ee loo yaqaano Delta laga diiwaangeliyay ismaamullo ku yaalla galbeedka, Nyanza iyo xeebta.
Iyadoo tani lagu saleynaya sidoo kalena lagu baraarugsan yahay in dabbaal degga ciidda ay dad badan ka qayb galaan ayay dowlad deegaanada Garissa, Wajeer iyo Mandera dadweynaha ku wargelinayaan in si buuxda loo dhaqangeliyo tallaabooyinkan
1.Dadka qabo qandhada iyo astaamaha kale ee la midka ah kuwa hergebka waa in ay guriyaha ku sugnaadaan oo aynan tagin isku soo baxyada ciidda.
2.Cid kasta oo ka qayb galaysa kulamada ciidda waxaa Khasab ah in ay xirato afduubka iyadoo amarkan ay dhaqangelin doonaan saraakiisha ammaanka.
3.Waa in qof kasta uu sito salli ama sajaayad sidoo kalena uu ku soo wayso qaato gurigiisa.
4.Lama ogolo in gacmaha sidoo kale xabadka la isku salaamo.
5.Labada qof ee isugu dhow waa in ay u dhexeyso ugu yaraan 1.5 mitir.
6.Baabuurta waxaa la dhigayaa meel ka durugsan goobta lagu ciidaya si looga hor taggo ciriiri.
7. Tukashada salaadda ciidda iyo khudbadda ka dambeysa waa in lagu soo gabagabeeyo ugu badnaan hal saac .
War-murtiyeedka waxaa si wadajir ah u saxiixay wasiiradda caafimaadka ee Mandera, Wajeer iyo Garissa ee kala ah Dr. Maxamuud Aadan ,Ismaaciil Sheekh Isaaq iyo Rooble Saciid Nuunow.