DHAGEYSO:Booyad qaraxday oo sababtay dhimashada 13 qof

0
612

13 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib markii ay qaraxday mid ka mid ah booyadaha shidaalka oo maraysay wadada u dhexeysa ismaamullada Kisumu iyo Busia .
Waxay dhaawacyo culus soo gaareen 11 kale oo hadda lagu daweeynaya isbitaalka dowlad deegaanka Siaya.
Dadka dhintay ayaa isku dayayay inay shidaal ka helaan baabuurka oo gadoomay ugu dambeyna dab ka kacay.
Shilkan ayaa la soo tabiyay abaare 9-kii fiidnimo ee xalay.
Taliyaha saldhigga booliska ee deegaanka Gem ,Mosera Chacha ayaa warbaahinta u xaqiijiyay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhacdadaasi.
Mr.Chacha ayaa sheegay in shilka uu yimid ka dib markii ay isku dhaceen booyadda iyo baabuur kale oo siday caano taasoo keentay in labaduba ay wadada ka baxaan.
Waxaa uu intaa ku daray inay hal saac ka dib ku guulaysteen daminta dabka.

 

Qaar ka mid ah goobjoogayaasha shilka ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta .

Mid ka mid ah dhaawaca ayaa isna ka hadlay sidii ay wax u dhaceen