DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo sheegay in Kenya ay u baahneyn wax ka badalka Dastuurka

0
563

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in doorashadii shalay ka dhacday ismaamulka Kiambu ay muujisay in Kenya aysan u baahnayn inay wax ka badasho Dastuurkeeda si ay ugu dhacdo doorasho nabdoon ah.
Waxaa uuna carabka ku dhuftay in dhibaatooyiinka ka dhasha dpprashooyiinka ay yihiin wax laga soo tagay.
Dr Ruto ayaa hadalkaan maanta ka sheegay magaalada Mathioya, ee ismaamulka Murang’a, intii lagu guda jiray aaskii Eliud Munyori Buku.
Waxaa uuna sheegay madaxweyne ku xigeenka dalka in dhibaatada kaliya ah ee Kenya heysata ay tahay hogaamiyaasha diidan inay aqbalaan natiijada ka soo baxda doorashada.
“Waxaan aad u daneyneynaa inaan ka tagno siyaasada kala qeybsanaanta, oo aan dhisno dal mideysan. Taasi ayaa ah sidaan horay ugu wadi laheen dalkeena ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka ee dalka.
Hadalka Dr Ruto ayaa yimid ka dib markii Njuguna Wanjiku oo matalayay xisbiga UDA uu ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee shalay ka dhacday deegaan baarlamaneedka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu.
Waxaa uu helay codad dhan 21, 773 halka Kariri Njama oo ka tirsan Jubilee uu soo hooyay 21,263 oo codad ah.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa sheegay in doorashadii dhacday laga dhiibtay 43,700 oo codad ah tani oo u dhiganta boqolkiiba 45.1 ee tirada codbixiyayaasha ka diiwaangashan deegaankaasi.
Wanjiku ayaa guusha u soo hooyatay ka dib u mahadceliyay shacabka Kiambaa iyo dhammaan siyaasiyiinta UDA.
Waxaa uu buuxin doonaa jagadii uu baneeyay Paul Koinange oo geeriyooday bishii saddexaad ee sanadkan.
Ka dib markii guddiga IEBC uu shaaciyay guushiisa ayuu Njuguna sidatan dareenkiisa u muujiyay.