DHAGEYSO:Musharaxii UDA oo ku guulaystay doorashadii Kiambaa

0
583

Njuguna Wanjiku oo matalayay xisbiga UDA ayaa ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee shalay ka dhacday deegaan baarlamaneedka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu.
Waxaa uu helay codad dhan 21, 773 halka Kariri Njama oo ka tirsan Jubilee uu soo hooyay 21,263 oo codad ah.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa sheegay in doorashadii dhacday laga dhiibtay 43,700 oo codad ah tani oo u dhiganta boqolkiiba 45.1 ee tirada codbixiyayaasha ka diiwaangashan deegaankaasi.
Wanjiku ayaa guusha u soo hooyatay ka dib u mahadceliyay shacabka Kiambaa iyo dhammaan siyaasiyiinta UDA.
Waxaa uu buuxin doonaa jagadii uu baneeyay Paul Koinange oo geeriyooday bishii saddexaad ee sanadkan.
Ka dib markii guddiga IEBC uu shaaciyay guushiisa ayuu Njuguna sidatan dareenkiisa u muujiyay.