UNICEF oo cambaareysay afduubka iyo dilka carruurta ee Nairobi

0
600

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF ayaa cambaareysay falalka la xiriira afduubka iyo dilka ee loogu gaysanaya carruurta magaala madaxda dalka ee Nairobi iyo gobollada kale ee wadanka.
Wakiilka hay’adda UNICEF ee Kenya Maniza Zaman ayaa ku baaqday in kuwa falalkan ka dambeeya lala xisaabtamo.
Waxaa ay soo jeedisay in la qaado talaabooyin dheeri ah oo lagu xaqiijinaya badqabka carruurta.
Ms. Zaman ayaa intaa ku dartay in marnaba la aqbaleynin in dhallanka uu dhibane u noqday xadgudub.
Sahan la sameeyay 2019-kii ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 46 in gabdho ay da’adooda u dhaxeyso 18 illaa 24-sano ay la kulmeen ugu yaraan hal nooc oo ka mid ah xadgudb halka sidoo kale boqolkiiba 56 ragga dhallinyarada oo da’adan ah ayagana dhiibateyn nooc ah wajaheyn.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo maxkamad ku taala Nairobi ay amar ku bixisay in eedeysane lagu magacaabo Masten Wanjala oo qirtay dilka 12 carruur ah in xabsiga lagu sii haayo muddo 30 cisho ah a si booliska fursad loo siiyo inay baaritaano dheeraad ah sameeyaan.