Shirkad laga leeyahay Shiinaha oo taagtay dhismo ka kooban 10 dabaq wax ka yar 29 Saacadood

0
596

Shirkadda Shiinaha ee ‘Broad Group’ ayaa dhowaan soo bandhigtay Dhismaheeda cusub, iyada oo ka dhistay guri 10 dabaq ka kooban magaalada Changsha keliya 28 saacadood iyo 45 daqiiqo.
Fikradda Dhismaha ee ay soo saartay Broad Group waxay u egtahay inay wax ka beddeli karto warshadaha dhismaha, ka dib markii ay dhowaan soo bandhigtay dhisme 10 dabaq ah maalin iyo bar gudaheeda isla markaana carqaladeyn karto nidaamka dhismaha ee Shiinaha.
Farsamo ahaan, dhismaha waxaa kaliya lagu soo ururiyey goob ku taal Changsha, oo ah seddex wiish iyo shaqaale aad u tiro badan, maaddaama dhammaan qeybaha lagu dhisay laga keenay warshad maxalli ah oo loo yaqaan ‘Broad Group’.
Hal-abuurka runta ah ee ka dambeeya wax soo saarka cusub ee shirkadda ‘Broad Group’ waa fikradda dhismaha guryaha sida baabuurta oo kale.
Wax walba oo ka mid ah alaabada ayaa laga soo ururiyey warshad casri ah oo ku taal Changsha, ka dibna loo qaaday meeshii la rabay in lagu dhiso.
Daawashada fiidiyowga 10-dabaq ee Dhismaha ah ee soo ifbaxaya isla markaana noqda meel lagu noolaado hal maalin gudahood waa wax aad u cajaa’ib leh, laakiin xawaaraha lagu soo ururin karo ayaa ah mid ka mid ah tayada badan ee ay kooxdu ku faaneyso soo bandhigideeda.
Sida laga soo xigtay shirkadda Shiinaha, qaab-dhismeedka birta ah ee dabaqa ayaa 10 jeer ka fudud 100 jeerna ka xoog badan dhismayaasha caadiga ah, waxayna u adkeysaneysanayaan “dhulgariirrada waaweyn iyo duufaannada”.
Broad Group waxay sheeganeysaa in nidaamkeeda cusub loogu magac daray Dhisida Nolosha maadama tahay mid noocya badan.