Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xildhibaannada ka soo jeeda gobobllada Waqooyi, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay uu khilaaf ka dhex-jiray.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo siyaasiyiinta ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay, wuxuuna u xaqiijiyay in guud ahaan doorashada, gaar ahaanna kuraasta gobollada woqooyi loo maamuli doono si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.
Xubnaha kulmay xildhibaannada ka soo jeeda gobobllada woqooyi ayaa soo dhaweeyay kulank uu ugu yeeray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roble, iyaga oo sheegay inay diyaar u yihiin in doorashada Xildhibaannada ay u dhacdo si cadaalad ah.
Kulanka uu Maanta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble la qaatay xildhibaannada ka soo jeeda gobobllada woqooyi ayaa ku soo aadaya xilli uu ka dhex-jiray khilaaf xoogan , isla markaana Guddiga maamulaya doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ay laba garab u kala jabeen.