Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dilka iyo boobka soomaalida loogu gaysanayo Koonfur Afrika

0
396

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay banaanbaxyada & rabashadaha ka socda Magaalooyin ka tirsan dalka Koonfur Afrika, kuwaasoo saameeyay dadka Soomaalida ah ee wadankaasi Ganacsiyada ku lahaa.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay Soomaaliya aad uga xun tahay dhibaatada Soo gaartay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika taasoo Sababta in la dilo ilaa Afarta qof ee Soomaalida ah halka la sheegay in la wayay ilaa 13 qof oo kale.
War saxaafadeedka ayaa lagu yiri Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa walaaceeda qotada dheer ee ku saabsan rabshadihii iyo bililiqadii ay ku dhinteen afar qof oo Soomaali ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen iyo dukaamadooda ay dhaca ka geysteen tuugo hubaysan meelo kala duwan oo ka tirsan gobollada dalka Koonfur Afrika 72-dii saacadood ee la soo dhaafay.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhigeeda Koonfur Afrika inay muujiso dadaal xooggan si loo ilaaliyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed lana hubiyo badqabka noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda.
Wadanka koonfur Afrika ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socda banaanbaxyo iyo rabshado ay sameeynayaan taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma, waxaana rabshadahaas lagu dilay Afar qof oo ganacsato Soomaali ah, halka kuwo kale hantidooda la boobay.