Dowladda oo 7 cisho oo ay isku soo dhiibto u qabatay cid kasta oo hurinaysay isku-dhacyada Kerio Valley

0
384

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa sheegtay in muddo 7 cisho ah oo ay isugu soo dhiibayso laamaha ammaanka ay haysato cid kasta oo lagu eedeyay inay hurisay dagaallada saameeyay aagga Kerio Valley ee gobolka Rift Valley.
Tani ayaa timid ka dib markii macluumaadka shakhsiyaadkan lala wadaagay ciidamada booliska.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiang’i ayaa sheegay in marka ay mudadan dhammaato la guda galaya howlgal ballaaran oo dhanka amniga ah.
Shalay ayay ahayd markii uu wasiirka guddoomiyay shir ay ka qayb galeen madaxda siyaasadeed , diimaha iyo oday dhaqameedyada ismaamullada Baringo, Elgeyo Marakwet iyo galbeedka Pokot.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in kulankaasi diiradda lagu saaray sidii lagu soo afjari lahaa rabshadaha uu dhiigga ku daatay ee hakad geliyay horumarka dhaqaale iyo mid bulsho ee ismaamulladan.
Waxaa uu xusay in qorshayaasha la isla meel dhigay ay ka mid tahay in la beddelo ciidamada ammaanka ee ka howlgalo deegaanada ay u dhasheen si looga hor tago in ay dano gaar ah fuliyaan.
Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in madaxda ismaamullada Elgeyo Marakwet , Baringo iyo galbeedka Pokot laga doonayo in ay ka wada shaqeyaan sidii xal waara looga gaari lahaa iskudhacyada soo noqnoqday.
Waxaa uu xusay in dhammaan hoggaamiyaasha siyaasadeed looga baahan yahay in ay muujiyaan sida ay uga go’an tahay soo afjaridda colaadda.