DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in xal laga gaaro iskudhacyada Kerio Valley

0
366

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in madaxda ismaamullada Elgeyo Marakwet , Baringo iyo galbeedka Pokot laga doonayo in ay ka wada shaqeyaan sidii xal waara looga gaari lahaa iskudhacyada saameeyay aagga Kerio Valley.
Waxaa uu xusay in dhammaan hoggaamiyaasha siyaasadeed looga baahan yahay in ay muujiyaan sida ay uga go’an tahay soo afjaridda colaadda.
Matiang’i iyo taliyaha guud ee booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa kulamo la qaadanaya barasaabka galbeedka Pokot John Lonyangapuo, dhigiisa Elgeyo Marakwet Alex Tolgos,guddoomiyaha Baringo Stanley Kiptis, senatarka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka ayaa sheegay in natiijada keliya ay rajeynayaan in ay ka soo baxdo shirarka socdo ay tahay collaadda oo la joojiyo
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta maanta shirka la qaadanaya wasiirka arrimaha gudaha ayaa warbaahinta la hadlay