DHAGEYSO:Waxgarad soo jeediyay in kameerada CCTV lagu rakibo xarumaha booliska

0
495

Waxgaradka gobolka xeebta ayaa ku talinaya in kameerada duubto muuqaaladda qarsoon ee loo yaqaano CCTV-da lagu rakibo saldhigyada booliska.
Mid ka mid ah waxgaradka Lamu ayaa sheegay in hadii sarkala boolis ah uu ku xadgudbo qof shacab ah ay adag tahay in lagula xisaabtamo maadaama aynan jirin caddeyn wax ku ool ah balse hadii qof rayid ah uu dhibaato gaysto isla markiiba la xiraya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in saldhigyada booliska lagu dhejiyo agabkan si loola socdo dhaqdhaqaaqyada saraakiisha ammaanka iyo sidoo kale shacabka looga adeegaya saldhigyada.