DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliland oo baaq loo diray

0
576

Xildhibaan Qaasim Sulaymaan oo ka tirsan golaha Wakiillada Soomaaliland ayaa Xili uu warbaahinta Kula hadlayay Magaalada Hargaysa baaq u diray madaxweynahe Muuse Biixi Cabdi.
Mudanaha ayaa Madaxweynaha Soomaaliland ka dalbaday inuu isugu yeero Golaha Wakiilada ee dhawaan la Doortay si loo dhaariyo kaddibna inat Shir Gudodon doortaan ay shaqooyinkooda u guda galaan,isagoo ugu danbayntii Xukuumada ku Dhaliilay inaysan Qayb ka noqon Ololaha lagu nadiifinayo Toga Magaalada Hargaysa oo Maayaarku hor kacayo.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan Madaxtooyada Somaliland ayaa Dhagax Dhigeen Goob Ay ku nastaan bulshada ku nool Magaalada Hargaysa.
Agaasimada Madaxtooyada Soomaaliland ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay dhowr Mashruuc oo laga dhisayo aagaas.