Madaafiic xalay lagu garaacay Buulo-Burde

0
382

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan Al-Shabaab ay xalay saqdii dhexe weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde ee Gobolkaasi Hiiraan.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta waxay u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa madaafiicda oo qaarkood ku dhacay goobo u dhow Saldhiga, balse ilaa iyo hadda aan la shaacin khasaaraha ka dhashay.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Ciidamada Jabuuti ee AMISOM qaybta ka ah ay dhankooda ugu jawaabeen madaafiic xoogan, kuwaasoo ku dhacay duleedka degmada Buulo-Burde.
Dadka degmada Buulo-Burde ayaa waxay sheegeen inay cabsi xoogan soo wajahday intii ay hoobiyeyaasha isweeydaarsanayeen Ciidamada Jabuuti iyo Al-Shabaab walow aan waxyeelo ka soo gaarin shacabka deegaankaas.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, waxaana weerarka hoobiyeyaasha ah uu kusoo aadayaa xilli degmada uu ku sugan yahay taliyaha Ciidamada xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raage.
Milatariga Soomaaliya iyo Ciidamada Dalka Jabuuti ka socda ee AMISOM Qaybta ka ah ayay wararku sheegayaan inay saaka howlgalo kala duwan ka sameeyeen deegaanada Duleedka Magaalada Buulo-durde Howgalkaas oo ay ku baadigoobayaan kooxdii xalay Madaafiicda ku soo tuuray.