Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa weli ku adkeysanaya inay jirin cid uu isaga wakiil ka yahay oo adeegsanayso si uu sanadka 2022-ka ugu tartamo jagada ugu sarreysa.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inuu si iskiis ah u go’aansaday inuu ka mid noqdo musharaxiinta maadaama uu aaminsan yahay inuu leeyahay khibrad siyaasadeed oo ku filan.
Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu matalaya shakhsiyaad awood leh si uu hoggaanka ugala wareego madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Tallaabadii horay Justin Muturi loogu caleema saaray afhayeenka gobolka bartamaha dalka ayaa abuurtay hadal hayn ballaaran.
Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xusay in aan loo baahnayn in soo dhisidda isbeheysiyo siyaasadeed ay noqoto keliya mid looga gol-leeyahay awood qaybsi balse in lagu saleeyo qorshayaasha horumarineed.