Talyaaniga oo ku guuleystay koobka Euro 2020

0
585

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa ku guuleystay Koobka Euro 2020 iyagoo gool ku laadyo ku garaacay Ingiriiska oo taageereyaashiisii ee soo buux dhaafiyay garoonkooda Wembley.
Talyaaniga ayaa ku dabbaal-degay garoonka Wembley ee Magaalada London iyagoo ku guraacay rikoodheyaal 3-2 ah, kulan ay ciyaartiisii caadiga ahayd kusoo dhamaatay 1-1.
Ingiriiska oo labadii rikoodhe ee hore dhaliyey ayaa saddexdii dambe iska khasaariyey, halka Talyaaniga oo laba rikoodhe laga qabtay ay saddex dhaliyeen, waxaanay sidaas ku qaadeen tartanka Euro 2020.
Xulka qaranka England ayaa bilowgiiba ku horumaray gool degdeg ah oo uu u dhaliyey Luke Shaw, kaas oo noqday goolkii ugu degdegga badnaa abid ee laga dhaliyo ciyaar final tartanka Euro ah.
Kubaddan waxa soo dhiibay Kieran Trippier oo dhinaca midig kasoo jabiyey, waxaana helay Shaw oo dhinaca bidix taagan oo darbo xooggan qabadsiiyey kubadda oo aan dhulka ku dhicin, waxaanay iyadoo gantaal ah gashay goolka.
Taageereyaasha garoonka fadhiyey oo tiradoodu 60,000 ka badnayd ayaa mar kaliya isla oogsaday, waxaanay qaarkood lasoo baxeen koob macmal ah oo loo ekaysiiyey midka Euro.
Talyaanigu ayaa helay dhawr fursadood qaybtii hore ee ciyaarta oo ay ugu dhowaadeen goolka England laakiin ma jirin halis weyn.
Talyaaniga ayaa qaybtii labaad kusoo laabtay iyagoo ka beddelan sidii qaybta hore, waxaanay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta ciyaarta, halka Ingiriiskuna dib u fadhiiisteen oo ay goolkooda difaacdaan.
Chiesa ayaa kubbad lasoo galay xerada ganaaxa isagoo dersin difaaca England ah dhex jiidhay, waxaana uu ku toogtay goolka, hase yeeshee Pickford ayaa dirqi ku badbaadiyey.
Daqiiqaddii 67aad ayay Talyaanigu heleen goolka barbarraha waxaana u dhaliyey Bonucci oo lugta geliyey kubbad uu birta kasoo jaray Verratti, marka horena uu dedaal badan u sameeyey Chiellini oo hirdan uu la galay Maguire ay keentay in kubaddu tagto dhinaca Verratti.
Fursado badan ayay labada kooxoodba heleen waxaana ku badnaa Talyaaniga, hase yeeshee waxay 90kii daqiiqadood kusoo dhamaadeen 1-1. Sidoo kale, waqti dheeraad ah oo lagu daray ciyaarta ayaa iyaguna kusoo idlaaday natiijo la’aan.