Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay guusha Abiy ee doorashada Itoobiya

0
444

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed guusha uu xisbigiisa ka gaaray doorashooyinkii baarlamanka ee dalkaas ka dhacay.
Xisbiga haya talada Itoobiya ee Prosperity Party ee uu hoggaamiyo ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku guuleystay tiradii ugu badneyd ee kuraasta baarlamaanka dalkaas, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Qaranka Itoobiya.
Guddiga doorashooyinka ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in xisbiga talada haya uu helay 410 kursi oo ka mid ah 436 lagu tartamay baarlamaanka Federaalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Waxaan ugu hambalyeynayaa ra’iisul Wasaare Abiy Axmed inuu sharciyad xooggan ka helay shacabka Itoobiya.
Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto wada-shaqeynta kala dhexeysa maamulka Abiy Axmed .