Kenya oo ka mid ah dalalka maanta laga xusaya maalinka la dagaalanka musuqa ee Afrika

0
436

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in Afrika ay qaaradaha kale ay dunida ee horumaray kasii dambeyn doonta hadii aan waxba laga qaban arrimaha la xiriira musuqmaasuqa.
Waxaa uu ka digay in musuqmaasuqa ka jira aaga siyaasadeed ee dalka uu hoos u dhigayo ku dhaqanka sharciga, ixtiraamka xuquuqda aadanaha, isla xisaabtanka iyo daah furnaanta,
Guddiga ayaa sheegay in musuqmaasuqa dalka ka jira uu wiiqaya awoodaha hay’adaha dowladda.
Waxaa uu intaa ku daray in musuqa uu meesha ay ka saarrayo u hoggaansaka sharciga.
Guddigu ayaa tilmaamay in musuqmaasuqu uu yareynayo tayada adeegyada, kaabayaasha bulshada iyo dakhliga canshuuraha kasoo xaroodo.
Hadalka EACC ayaa imaanaya iyadoo maanta la xusayo maalinta la dagaallanka musuqmaasuqa ee Afrika.
Dhanka kale warbixin uu dhawaan soo saaray bangiga adduunka ee ku saabsan isbeddelka saboolnimada ee caalamka ayaa muujineysaa in faqriga a ba’an uu noqon doono dhibaatada ugu badan ee Afrika tobanka sano ee soo socodo haddii aan wax laga qaban musuqmaasuqa.