Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Cayaaraha Lionel Messi oo ugu dambeyn ka baxay abaartii koobab la’aanta ee wadankiisa...

Lionel Messi oo ugu dambeyn ka baxay abaartii koobab la’aanta ee wadankiisa Argentina

Xulka kubadda cagta ee Argentina ayaa 28 sano ka dib waxa ay ku guuleysteen Copa America iyaga oo Brazil oo koobkaan ilaalsaneysay uga badiyeen hal gool oo nadiif ah .
Qaranka Brazil ayaa nasiinada loogu diray hal gool oo nadiif ah waxa ayna saaxiibada Neymar ka sheegteen in kubadda soo dhisaan xilli Argentina daafac ahaan ay aad u wacnayeen.
Goolka Brazil laga dhaliyay waxaa qaladka iska leh goolhayahooda Ederson oo si ka bad badis ah banaanka uga soo baxay, waxaana si cajiib ah uga dalqaaday Di Maria xilli daafacana ay qayb ka yihiin, waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqadii 21-aad.
Xulka Brazil dhanka weerarka aad ayay ugu liiteen, waana ku adkeyd in kubadda afka hore si sax ah u geeyaan xilli Argentina ay ciyaaayeen kubad taxadar leh, iyagoo ku wacnaa isku balaarinta garoonka.
Qaybtii labaad ee ciyaarta , Brazil dhaq dhaqaaq wacan ayay ku bileebeen , daqiiqadii 51-aad gool ayaa offside ahaan looga diiday halka daqiiqadii 54-aad gool xaqiiq ah uu si cajiib ah uga bad baadiyay goolhayaha Argentina Emiliano Martinez xilli soo laabashadii ay horay u soo giliyeen Roberto Firmino oo loo saaray Fred .
Biloowga qaybtii labaad , Brazil kubadda iyaga ayaa ku badnaa , Argentina daafac ayay ku jireen marka laga reebo Messi, Martinez iyo Di Maria.
Dhamaadkii , ciyaarta xiisad ayay yeelatay xilli isku dhacyo ciyaartooydana ay jireen iyo qaladaad ay isku galayeen balse guud ahaan Brazil waa ka wacnaayeen sida ay ahaayeen qaybtii koowaad.
Daqiiqadii geerida Brazil halsi ayay ahaayeen balse goolhayaha Argentina ayaa gool cajiib noqon lahaa waliba xaqiiq ahaa u diiday Brazil xilli Messi isna qasaariyay fursad balse waxa ay ciyaartaan ku dhamaatay halkaas gool oo ay Argentina ku qaadeen koobka ka dib 28 sano.
Waxaana Lionel Messi u ka baxay abaartii koobab la’aanta ee wadankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments