Dad ku dhintay shil ka dhacay ismaamulka Homa Bay

0
591

Waxaa lagu soo warramayaa in laba qof ay ku dhinteen shil baabuur oo saaka ka dhacay ismaamulka Homa Bay.
Shilkan ayaa sababay gaari xamuul ah oo siday shamiito kaas oo ku dhacay guri ay dad deeganaayeen.
Darawalka kaxeynayay gaarika xamuulka ah oo lagu magacaabo Fuso ayaa la sheegay inuu lumiyay xakameynta isagoona ka baxay wadada islamarkaana gudaha u galay guriga dadka shilka ku nafwaayay.
Joseph Ondiegi oo 72 sano jir ah iyo Diana Atieno oo 13 jir ah ayaa isla goobta uu shilku ka dhacay ku dhintey.
Halka laba dhallinyaro ah ahna uu dhaawac ka soo gaaray shilkaasi.