IEBC oo sheegtay inay u diyaar garowday qabashada doorashooyinka ku celiska ee Kiambaa iyo Muguga

0
359

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC Wafula Chebukat ayaa xaqiijiyay in doorashooyinka ku celiska ah ee deegaanka Kiamba iyo deegaanka hoose ee Muguga oo kawada tirsan ismaamulka Kiambu ay ahaan doonaan kuwa ku dhaco xor, cadaalad iyo xalaal.
Doorashooyinkan ayuu qorshuhu yahay inay qabsoomaan 15-ka bishaan.
Waxaa uu digniin u diray kuwa qorsheenaya inay doorashooyinkaas fowdo ka abuuran, isagoo sheegay in laamaaha ammaanka ay la xisabtami doonaan.
Kursiga deegaan baarlamaneedka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu ayaa banaanaaday ka dib markii dabayaaqadii bishii Saddexaad ee sanadkan uu geeriyooday mudahihii deegaankaasi golaha qaran ee xeer dejinta ku matalalay Paul Koinange.
Dhanka kale wakiilkii deegaanka hoose ee Muguga ee ismaamulka Kiambu ayaa isna geeriyooday bartamihii bishii saddexaad ee sanadkan.