Gaari dad shacab ah ay la socdeen oo miino kula qaraxday gobolka Mudug

0
550

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaay sheegayaan in Qarax miino uu haleelay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay degaan ku dhow degmada Bacaadweyne ee gobolka Mudug.
Labo ruux oo shacab ah ayaa qaraxaas ku geeriyootay kadib markii gaari mini-bas ah ama hoomeey ay Ku qaraxday Miino wadada loo galiyay inta u dhaxeeysa magaalooyinka Qeycad iyo Bacaadweyne oo dhawaan laga Faramaroojiyay dagaalameyaasha Al-shabaab.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta Gudaha Soomaaliya u xaqiijiyay in gaariga ay saarnaayeen labo ruux oo kaliyah, islamarkaana ay halkaasi ku geeriyoodeen labadii qof ee Gaariga la Socotay.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku dagaallamayay Ciidanka daraawiishta Maamulka Galmudug iyo dagaalameyaasha Ururka Al-Shabaab.