DHAGEYSO:Qoysas badan oo deegaanadoodii ay ka soo barakiciyeen Al-Shabaab

0
375

Boqolaal Qoysas ah oo ku noolaa deegaano ka tirsan Bariga Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa hadda waxay wajahayaan Xaalado Nololeed oo aan Wanaagsanayn Ka dib markii deegaanadoodii ay Al-shabab ka Soo barakiciyeen.
Qoysaskaan ayaa hadda ku sugan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellada dhexe.
Waxaa ay sheegeen inaysan haysan waxyaabaha aas-aasiga u ah Nolosha Binu’aadamka.

Deegaano dhowr ah oo gobolka Shabeellada dhexe ka tirsana ayaa ka dib markii ay Ciidamada dowladda Soomaaliya ka baxeen waxaa dib ula wareegay Dagaalameyaasha Al-shabaab kuwaasoo beegsanayay qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ay ku eedeeyeen inay Ciidamada dowlada gacan saar la leeyihiin taasoo keentay inay Qoysaskaan isaga soo cararaan deegaanadoodii.