Booliska oo sare u qaaday raadinta sarkaal dhawaan labo qof dishay

0
441

Laamaha ammaanka ee wadanka ayaa laba jibaaray dabagalka ay ku hayaan haweeney boolis ah oo lagu magacaabo Caroline Chemutai Kangogo ka dib markii lagu eedeyay inay 2 qof dishay.
Dilalkan ayay ka gaysatay ismaamullada Nakuru iyo Kiambu.
Waxaa howlgallada lagu raadinaya iska kaashanaya booliska , militariga iyo waaxyaha kala duwan ee dambi baarista.
Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii haweeneyda baxsadka ah lagu sheegay magaalada Eldoret ee dowlad deegaanka Uasin Gishu.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in Caroline ay 13 sano ka tirsanayd booliska wadanka.
Waxay intaasi ku dareen inay hubeysan tahay oo ay khatar ku tahay bulshada sidaas awgeedna dadweynaha lagu boorrinayo inay feejignaadaan iyagoo gacan ka gaysanaya in la soo qabto.