Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed gaar ahaan wasaaradda Ganacsiga ay ka Go’an tahay Hirgalinta Sharaciyada Ganacsiga si dalka uu Fursado Maalgashi u helo.
Waxaa uu Tilmaamay inay waajib tahay dhaqangalinta sharuucda dalka iyo kuwa caalamka si looga hortaggo been xalaaleynta Maaliyadda iyo Maalgalinta Kooxaha argagaxisada ah.