Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, Xildhibaan Xaniifa Maxamad Ibraahim, ayaa khudbad ay ka jeedisay shirka sideedaad ee wasiirada Haweenka Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar ayaa sheegtay inay jiraan Caqabado ay wajahayaan.
Khudbadda Wasiir Xaniifa, ayaa ay kaga hadashay sida cudurka Coronavirus u saameeyay haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarinta haweenka, dhanka ka qaybgalka siyaasadda dalka Soomaaliya iyo guud ahaan kaalinta haweenku ku leeyihiin horumarka Soomaaliya ka jira.
Waxaa shirka sidoo kale ka qayb galay, danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Masar, Ilyaas Sheekh Cumar, agaasimaha waaxda Jinsiga ee wasaaradda haweenka Sacdiya Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda Soomaaliya ka socday.
Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Alsisi ayaa soo xirey shirka sideedaad ee wasiirada haweenka ee Ururka dalalka Islaamka IOC.
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in haweenka ay saamayn kasoo gaartay Covid19