Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo eedeyn u jeediyay wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya

0
460

Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish), Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda ee Muqdisho ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada ay caqabad ku heeyso Agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir ee dhawaan lagu wareejiyay maamulka gobolkaasi.
Waxaa uu sheegay in wareejintaas ficil ahaan aysan dhaqan gelin,isla markaana uu rajeeynayo in waxaas oo dhan ay dhamaan doonaan, si ubadka waxbarashada ku jira ay horumar u gaaraan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in arday badan ay dhigato iskuulada gobolka Banaadir, basle ay jiraan kuwo badan oo aan waxbaran dadkana dhibato ku haya.
Hadalkaan ayuu guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ka sheegay munaasbad lagu soo bandhigayay natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee iskuulada gobolka Banaadir.