Maamulka Gobolka Banaadir ee Caasimada Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu shaacisay Natiijada ka soo baxday imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe ee sanadka 2020 -2021ka, sida uu sheegay agaasimaha waxbarashada ee gobolka banaadir Cabdiraxmaan Cumar Shiikh Nuur.
Sanadkan ayaa waxaa imtixaanka fasal 8aad ee dugsiga dhexe ee gobolka Banaadir u fariistay ardey gaareysa 26,688 kuwaasoo inta ugu badan ay keensadeen natiijadii loo baahnaa kadib Imtixaankii ay u fariisteen 27 bishii May ee sanadkan 2021ka.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa sanadkii labaad qaaday imtixaanka dugsiga dhexe kadib markii maamulkeeda lagu wareejiyey,waxana Natiijada Imtixaanka warbaahinta faahfaahin ka siiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banadir Saalax Cumar Xasan.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Imtixaanaadka Dugsiyada dhexe ee Gobolka Banaadir oo Maanta lagu dhawaaqay