Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday Magaalada Kismaayo ee Xurnta gobolka Jubada hoose sidoo kalena ah Caasimada KMG ah ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa la kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubbaland ee ka soo jeeda Gobolka Gedo.
Kulankaas ayaa war kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dib u heshiisiinta Gobolka Gedo oo muddo badan ay isku hayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya & Maamulka Jubbaland.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ugu horeyso arrimaha dib u heshiisiinta Gobalka Gedo si loogu qabto Magaalada Garbahareey ee Xarunta Gobolkaasi doorasho lagu wada qanacsan yahay.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in Maanta uu Magaalada Kismaayo ka dhagax-dhigo mshaariic ay dowladda Soomaaliya ka fulineyso halkaasi.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalinta Jimcaha ah la filayaa inuu gaaro xarunta gobolka Gedo ee Magaalada Garbahaarey si uu halkaasi uga soo wado howlaha dib u heshiisiinta iyo xal ka gaarida arinat gobolka Gedo.