Sanad ka hor ayey ahayd markii halkii ugu horreysay xayiraad lagu soo rogay ee ka dhan Covid-19

0
794

Waxaa maanta laga jooga sanad markii magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ay gashay xayiraad.
Wahun ayaa aheyd magalaadi ugu hooreysay caalamka ee xayirad lagu rogay si looga hortagga faafida cudurka Coronavirus.
Magaalada Wuhan ee gobolka Hubei ee Shiinaha ayaa ah halka u ka soo alkumay cudurka dunida halakeeyay ee Covid-19. Magaaladaasi ayaa 76 cisho ku jirtay xayiraad buuxda oo dhanka isu socodka lagu soo rogay.
Waxaana shacabka magaladasi iskugu imadeen goobaha kala duwan sida gobaha gawaarida dadweynaha si ay u muujiyaan baaxadda soo kabashada ee magalladaasi oo aheyd meeshii ugu horreysay ee laga xaqijiyaay cudurka.
Waxaa sido kale la sheegay in nooca cusub ee cudurka Covid-19 uu ka halis badanyahay midki kaasoo alkuumay magaalada Wuhan.
Dhanka kalana Maamulka Hong Kong ayaa muwaadiniintiisa ku amray inay guriyahooda joogaan si loo yareeyo isku socodka bulshada oona loo xakameeyo faafitaanka caabuqa corona.
Tani ayaa kuso aadeeyso iyaadoo madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden uu ka dhigay in dhimashada cudurka ee dalkaasi ay dhaafi karto 600,000.