Madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moise ayay xalay koox aan weli la aqoonsan toogasho ku dishay.
Waararka ayaa inta ku daraya in lagu dilay hoygiisa gaar ah, sida uu xaqiijiyay ra’iisul wasaaraha ku meel gaar ah ee wadankaasi Claude Joseph.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in marwada koowaad ee madaxweynaha ay ku dhaawacantay weerarka , iyadoo haatan lagu daryeelo isbitaal ku yalla dalkaasi.
Dilka ayaa imanaya ayada oo dalkaas ay ka jiraan qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyada oo ay sare u kaceen rabshadaha burcadnimada.
Dhanka kale ra’iisul wasaaraha ku meel gaar ah ee Haiti Claude Joseph ayaa sheegay inuu hadda isaga hayo talada dalkaasi.