Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qeybteyda 60-aad ayaa maanta oo sabti ah xukun ku ridey Cismaan ibraahim Cabdi oo katirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo.
Cismaan ayaa lagu helay in dhowr qof oo Shacab ahaa in uu ku dilay Gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana Maxkamadeyntiisa ay soo martay heerar kala duwan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed oo Go’aanka maxkamadda ku dhawaaqey ayaa sheegay in Cismaan ibraahim Cabdi lagu xakumey dil toogasho kaddib markii ay ku cadaatey dilka uu geystey.
Dhanka kale Taliyaha qeybta Ciidamada Booliska Gobolka Baay Gaashanle Sare Aamiin Mad Daruur ayaa uga digay Ciidamada qalabka sida gaar ahaan Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay qorigooda dadka Shacabka ah ku dhibaateeyaan.
Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa ayaa dhowr jeer ooh ore waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Askar & xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo lagu helay iay geysteen dilal kala duwan.