Howlgalka nabadsugidda Midowga Afrika oo saldhigyo ku wareejiyay Suudaan

0
316

Qaramada midoobay iyo howlgalka nabad sugidda Midowga Afrika ayaa lagu soo warramayaa in ay dowladda Suudaan ku wareejiyeen 14 ka mid ah saldhigyada amniga ee ay adeegsanayeen.
Xarumahan ayaa ku yaalla gobolka Daarfuur ee wadankaasi waxayna isticmaalayeen muddo 13 sano ah.
Dowladda Suudaan ayaa hadda lagu wareejiyay si dadweynaha ay deegaan uga dhigtaan.
Saldhigyada lala wareegay ayaa lagu saleeyay heshiis dowladda Suudaan ay 4-tii bishii saddexaad ee sanadkan la saxiixatay qaramada midoobay iyo howlgalka nabadsugidda ee Midowga Afrika ee Daarfuur (UNAMID)
Sanadkii hore ayay ahayd markii golaha amniga ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa uu u codeeyay in wareejintan la sameeyo.