Madasha wasaaradaha caafimaadka DFS iyo maamullada Soomaaliya oo furmay

0
336

Waxaa maanta Magaalada Garowe ee Xarunta Gobolka nugaal sidoo kalena ah CaasimadDa Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ka furmay shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka Dawlada dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulada xubnaha ka ah federaalka.
Shirkaan oo ay martigalisay wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland ayaa socon doona Mudo saddexda Cesho ah ayadoo dib u eegis lagu Samayn Doono wixii ka qabsoomay shirkii Wasaaradaha Caafimaadka ee ka dhacay Magaalada Muqdisho sanadkii Hore.
Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay wasiiradda caafimaadka Puntland,Galmudug, Hiirshabelle,Juballand, Konfurgalbeed iyo wasiirka wasaaradda caafimaadka dawlada Federaalka Soomaliya Fowsiya Abiikar Nuur.
Shirka ayaa furitaankiisa waxaa hadalo ka jeediyay wasiiradda Caafimaadka Maamul Goboleedyada waxayna Hoosta ka wada xariiqeen Ahmiyada ay Madashaan u leedahay Hormarinta arimaha Caafimaadka ee Guud ahaan dallka Soomaaliyeed.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland Dr Jaamac Farax Xasan oo hadal kooban ka jeediyay ayaa yiri:-
Wasiirada ayaa sheegay in laga wada dharagsan yahay halka ay marayaan deegyada Caafimaadka dalka Soomaaliya iyo guulaha la gaaray caqabadaha jira oo ay ugu weyntahay saamaynta uu dalka ku yeeshay xanuunka Covid19 oo wax badan oo u qorshaysnaa Wasaaradaha caafimaadka dowlada dhexe iyo Maamulada oo aan la wada gaarin.
Waxayna shirkaan ka rajeeyeen in natiijo wanagsan ka soo baxi doonto sidoo kalena la iskula qaato sidii loo sii hormarin laha adeegyada Caafimaadka maadaama ay masuuliyada weyn ka saaran tahay.
Wasiirka Wasaarda Caafimaadka Dawlada Federaalka Soomaliya Dr Foosiyo Abikar Nuur oo shirka si rasmi ah u furtay ayaa sheegtau inay Gudagalayaan saddex maalin oo shaqo adag ay hortaalo loogana hadlayo Kulankaan waxa u qabsoomay waxa qabyada ah iyo sidii looga wada shaqayn lahayn howlaha ay Wasaaraduhu wadaagaan halka wixii gaar Maamul Goboleedyadu u leeyihiina ay Wasaarada Caafimaadka dowlada dhexe la wadaagaan si caqabadaha haysta wax loogala qabto.
Maadaama awooda Maamul Goboleedyadu aysan isku Mid ahayn sidaas darteedna la doonayo in la kabo oo Sare loo soo qaado Maamulada dka liita dhanka Caafimaadka oo Gacan Qabashada u baahan.