DHAGEYSO:Faahfaahin: Safarka madaxweynaha Koonfur Galbeed ee dalka Nigeria

0
386

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamad Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay xilli dambe gaaray Dalka Nigeria.
Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa casuumaad ka helay madax ka tirsan Dowladda Nigeria, sida ay sheegtsy Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne lafatagareen uu ka bilaabay dalkasd Nageria kulamo kala duwan, isaga Madaxda Ismaamulka Kaduna ay ka wada hadlayaan isdhaafsiga waaya aragnida iyo wixii ay is dheer yihiin.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria Jamaal Maxamad Barow ayaa sheegay in Madaxweyne laftagareen uu casuumaad rasmi ah ka helay Guddoomiyaha ismaamulka Kaduna ee dalka Nigeria, uuna Kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda Gobolkaas inta uu halkaas ku sugan yahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Nageria waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda dalkaas iyo Bulshada Soomaalida ee ku nool wadankaasi.