Dagaal ka dhacay gobolka Baay

0
382

Wararka ka imaanaya Gobolka baay ayaa waxay sheegayaan in Dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya,Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab uu ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolkaasi Baay.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay dhowr jiho ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladu ku leeyihiin degmada Diiinsoor, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday.
Qaar kamid ah dadka ku nool degmada Diinsoor ayaa waxaay warbaahinta Gudaha u sheegeen inuu jiro qasaari ka dhashay Balse aysan Cadayn Karin Tirada khasaaraha.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa waxay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana qasaaro xoogan gaarsiiyeen.
Dhowr jeer ayay dagaalameyaasha Al-Shabaab weerareen degmada Diinsoor oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaasoo dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.