Faahfaahin:Qarax mas’uuliyiin hore lala eegtay oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

0
710

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Miino oo Muqdisho lagula eegtay gaari ay saarnaayeen Xildhibaano hore Xuseen Caraale Cadaan iyo Muxudiin Xasan Afrax, iyada oo la sheegay in Xildhibaannada hore ay qaraxa ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxa ay ku dhinteen Afar askari oo ka tirsanaa ilaalada mas’uuliyiintan, kuwaas oo gaariga saarnaa xilligi la qarxinayay oo ay marayeen agagaarka Sarta Beexaani ee degmada Shibis ee gobolka Banaadir.
Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo muddo ku dhow saacad joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka halka uu qaraxa ka dhacay.
Laamaha ammaanka Soomaaliya iyo Maamulka degmada Shibis weli kama hadlin qaraxa ay ku dhaawacmeen Xildhibaano hore ee kala ah Xildhibaano hore Xuseen Caraale Cadaan iyo Muxudiin Xasan Afrax.
Qaraxyada loo adeegsado miinooyinka nooca dhulka lagu Aaso ayaa todobaadyadii la soo dhaafay kusoo batay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana ku dhintay mas’uuliyiin iyo askar intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here