Waxaa uu xalay dab ka kacay Guri ku yaalla Xaafadda Laynka Booliska ee magaalada Hargeysa.
Waxaana uu sababay dhimashada laba Carruur oo Walaalo ah, kuwaasoo ku sugnaa Guriga uu dabku ka kacay.
Taliyaha Ciidamada dab-demiska Soomaliland sareeye guuto Axmad Maxamad Xasan Sawaaxili ayaa sheegay in dabka ay ku geeriyooday laba carruur ah oo uu dhalay Sarkaal ka Tirsan Booliska Soomaaliland, sidoo kalena Ciidamada dab-demiska ay dabka demin waayeen sababo la xiriira inay waayeen waddooyin ay u maraan Xaafadda uu dabka ka kacay ay ahayd mid isku raran ah.
Guddoomiyaha degmada Hargeysa C/kariim Axmad Mooge ayaa isna sheegay inaysan aqbalayn in Bulshada magaaladaasi ay Qayliyaan Markii waddo la furayo haddana ay dowladda eedeeyeen markii ay Ciidamada Dab-damisku waayaan meel ay u maraan halka ay mashaqadu ka dhacday .
Waxaa uu intaa ku daray in Aaga guriga dabka uu ka kacay ay ahayd Goob cariiri badan.
Waxaana uu Shacabka ugu baaqay inay waddooyinka furaan hadii kale ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Magaalada Hargeysa iyo degaannada kale ee Somaliland ayaa dhowr jeer Goobo ganacsi iyo Guryo ku yaal ka kacay dab, kaas oo geysta khasaaro dhimasho iyo mid hantiyadeed.