Khasaaraha ka dhashay burburkii diyaaradeed ee Filibiin oo kordhay

0
485

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in burbur diyaaradeed oo ka dhacay koonfurta wadanka Filibiin ay ku dhinteen ugu yaraan 45 qof.
Diyaaradda burburtay ayaa ahayd mid ay leeyihiin ciidamada militariga ee wadankaasi.
Wasaaradda gaashaan dhigga ee Filibiin ayaa xaqiijisay in dhacdadan.
Shilkan oo lagu tilmaamay midkii ugu xumaa 30 sano taariikhda dalkaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay in ka badan 53 qof.
Waxay wasaaraddu xustay in diyaaradda ay siday 96 qof iyadoo dhanka kale beenisay in burburkeeda uu salka ku hayo weerar lala eegtay.
Diyaaradda oo ahayd C-130 ayaa soo dhacday xilli ay doonaysay inay ku degto jasiiradda Jolo oo masaafo dhan 1000 kiiloomitir dhanka Koonfurta kaga beegan caasimadda dalkaasi ee Manila.
Wararka ayaa intaa ku daraya in shilka uu yimid ka dib markii ay ka baxday khadkii hawada ee loogu talagalay waxaana hadda socdo howlaha gurmadka.