Ciidamada xoogga iyo Shabaab oo Galgaduud ku dagaalamay

0
327

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Bartaamaha dalka Soomaaliya ayaaa waxay Sheegayaan in Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Guutada Gorgor iyo Nabad sugida NISA iyo xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab uu ku dhexmaray degaano ku yaal duleedka Koonfureed ee Caasimadda Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen degaannada Ceeldheere iyo Tuulo-xaayoow ee u dhexeya laamiga xiriiriya Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda qeybta 21aad ayaa sheegay in dagaalla ay Al-Shabaab uga dileen 8 Xubnood, sidoo kale ay uga furteen ku dhowaad 10-qori oo ah boobayaal.
Sidoo kale waxay Xuseen in howlgalka ay ku qaadeen deegaanada u dhaxeeya Guriceel iyo Dhuusamareeb uu yimid kadib markii ay ka warheleen inay miinooyin wadada ku Aasayaan Al-Shabaab.
Dhanka kale ururka Al-shabaab ayaa bogaga ay wararkooda ku qoraan waxay ku sheegeen inay dileen 7 askari iyo Sarkaal sida ay hadalkooda u dhigeen.