DHAGEYSO:Guddiyada doorashada iyo xallinta khilaafaadka oo tababaradii loo soo xiray

0
331

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa soo xiray tababar muddo Saddex cisho ah u socday Guddiyada Doorashooyinka heer federaal, heer Maamul-goboleed iyo xallinta khilaafaadka.
Xubnaha Gudiyadaan oo ka kala socda dowladda dhexe ee Soomaaliya, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa 30-kii Bishii June waxaa tababarka u furay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Mr. Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa sheegay in Guddiyada doorashooyinka & xalinta khilafaadka tababarkooda ay bixinayeen dad khubaro ah, isla markaana ay ka faa’iideysteen.
Waxaa uu intaas ku daray in guddiyada doorashada ay si weyn uga doodeen jadwalka doorashada iyo inay muuqaal guud ka diyaariyeen maaliyadda iyo Anshaxa doorashooyinka.
Wasiiru-dowlaha ayaa ugu dambeyn sheegay in Guddiyada doorashada iyo xalilnta khilaafaadka ay aad uga doodeen, hufnaanta iyo daah-furnaanta doorashada, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay si cadalaad ah u shaqeeyaan.

Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka heer federaal, heer Maamul-goboleed iyo xallinta khilaafaadka ayaa waxaa la filayaa inay dhawaan guda galaan howlaha doorashooyinka ee loo igmaday, iyadoo shaqadooda ay ku egtahay inta laga dooranayo madaxweynaha Jamhuuriyada.