Weerar ka dhacay Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo oo lagu dilay 10 qof oo rayid ah

0
483

Ugu yaraan 10 qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar ka dhacay magalada Beni, oo ku taalla bariga jamhuuriyadda dimuqraadiga ee congo.
Xukumada Kinshasa, ayaa weerarkan masuliyadiisa dusha ka saartay kooxda ADF oo iyadu falal amni daro ah ka gaysata wadankaasi.
Dadka ku dhaqan degaanka uu weerarku ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in dablayda weerarka soo qaaday ay sido kale dab qabadsiyeen guryo badan oo ku yaalay halkaasi iyaga oo adeegsanayay rasaas iyo baangado.
Kooxda ADF, oo dawladu dusha uga tuurto falalka noocan ah ayaan iyadu ilaa iyo hatan sheegan masuuliyad weerarkani.
Sargaal ka tirsan ciidamadda DRC, oo la hadlayay wakalada wararka ee AFP, waxaa uu dhankiisa ka dhawaajiyay in tirada dhamashadu ay sii kordhi karoto isaga oo dhanka kale xaqiijiyay in ay jiraan dad aan raq iyo ruux toon lagu haynin kuwaas oo ay suuragal tahay in falaagadu afduubatay.
Falaagada hubaysan ee loo soo gaabiyo magacooda ADF, weerarada ay ka fuliya DRC, waxaa ku naf wayay dad gaaraya 6,000, tan iyo sandki 2013-ki
Magalada Beni, ee gobalka Kivu, ee waqooyiga dalkaasi oo ka mid ah goobaha ay sida aadka ah u bartilmaameedsadaan falaagadu waxaa lagu dilay dad gaaray 1,200 oo qof oo rayid ah.
Madaxwaynaha jamhuuriyadda dimuqraadiga congo Felix Tshisekedi ayaa goor sii horaysay xaalad bandaw ah ku soo rogay waqooyiga gobalka Kivu, iyo gobalka dariska la ah ee Ituri, si looga hor tago amni darada sii kordhaysa ee ka jirta halkaasi.