Warbaahinta dowladda dalka Suuriya ayaa ku warramaysa in duqeymo ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil lagu dilay 4 qof oo shacab ah.
Howlgalkan ayaa galinkii hore ee maanta laga fuliyay gobolka ku yaalla bartamaha wadankaas ee Hama.
Wakaaladda wararka ee SANA oo soo xiganaysa sarkaal militari oo aan la magacaabin ayaa sidatan qortay.
SANA ayaa intaas ku dartay in dadka dhintay ay isugu jiraan labo carruur iyo waalidiintooda.