Waxaa Xalay Magaalooyin badan oo dalka Soomaaliya iyo wadamada kale ee dadka Soomaalida ah ku nool yihiin lagu qabtay Munaasabado Waa weyn oo lagu Xusayo 61 guurada ka soo wareegtay Markii Kowdii bishii Luulyo Sanadkii 1960 ay Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya Xornimadoodii ka qaateen Gumayustihii Talyaaniga sidoo kalena ay Midoobeen Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa calanka-saaray Madaxtooyada Qaranka, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad.
Madaxweynaha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintan qiimaha badan oo ku suntan gobanimada, midnimada iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed ee maal iyo naf-ba u huray hanashada Qaran ka tarjumaya himiladooda iyo hiigsigooda.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayseen Heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaasoo uu Xalay ka bilaamay dabbaaldegyada Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada.
Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaay bogaadin ku mudan yihiin sida qiimaha badan ee ay uga qayb qaadanayaan Xuska Toddobaadka Xorriyadda, iyagoo muujiyey dal iyo dowlad jacayl, soona bandhigay sida ay ugu faanayaan Qarankooda ayuu Madaxweynuhu yiri.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed isna ugu hambalyeeyay 61 sano guurada Xorriyadda dalka ee 1da Luulyo.
Waxaa sidoo kale xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu xusaayay Kowda Luulyo oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Kowda Luulyo ay tahay maalin qiimo badan oo dadka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen dadaal bdan.
Waxaan abaal u haynaa, ku faaneynaa, una duceyneynaa aabbeyaashii u soo halgamay, soona hooyay xorriyadda aan ku naallooneyno kuwaas oo guushaas ku gaaray isku duubni, wadajir, walaalnimo iyo is-jaceyl sidaasi waxaa yiri Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.
Isagoo intaasi ku diray in dadka Soomaaliyeed ay 61 sano ka dib, baahida ugu weyn ay u qabaan midnimo iyo wadajir oo ah jidka kaliya ee lagu gaari karo horumarka ay umadu hiigsanays, kulana tartami karaan dalalka iyo dadyowga asaaaggood ah.
Qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa dareenkooda todobaadka Xoriyada ku aadan warbaahinta la wadaagay.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Munaasabada waa weyn oo ku saabsna 61 Guurada Xornimada Soomaaliya oo Muqdisho...