Madaxweynaha dalka oo walaac ka muujiyay in ay kordheen kiisaska tacaddiga jinsiyadeed

0
494

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa arrin murugo leh ku tilmaamay inay sare u kaceen shaqaaqooyinka ku saleysan jinsiyadda.
Waxaa uu xusay in caqabaddan ay ka jirto si guud wadamada qaaradda Afrika oo ayna gaartay xeer u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in cudurka COVID19 uu sare u sii qaaday xaaladdii taagneyd ee tacaddiga dhanka jinsiga sidaas awgeedna beesha caalamka laga doonayo in ay tallaabooyin degdeg ah qaado.
Hoggaamiyaha Kenya ayaa sheegay in xadgudubka loo gaysto haweenka uu kordhay ugu yaraan boqolkiiba 25.
Hadalkan ayuu jeediyay galinkii dambe ee shalay xilli uu magaalada Paris ee dalka Faransiiska kaga qayb galay shir ku saabsan sinnaanta jinsiyadeed oo ay soo qaban qaabisay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha dumarka ee UN Women oo ay si wadajir ah u martigelinayaan dowladaha Faransiiska iyo Mexico.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa mar kale xaqiijiyay sida maamulka talada haya ee Jubilee ay uga go’an tahay dhammaan falalka lagu dhibaateeyo dumarka.
Waxaa uu xusay inuu qorshuhu yahay in tani laga dhabeeyo ugu dambeyn sanadka 2030-ka .
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in sanadka 2022-ka , dhaqaale ah in ka badan 23 milyan oo shilin loo adeegsan doono barnaamijyada ka hor tagga tacaddiga jinsiyadeed.