Dawladda Itoobiya oo ku eedaysay maamulka Tplf in uu fidinayo dacaayado been abuur ah

0
589

Dawladda wadanka Ethiopia ayaa sheegtay suurta galnimada in ciidamadeeda ay toddobaadyo gudahood dib ugu qabsan karaan magalada makkale ee caasimadda gobolka Tigray.
Arinkani ayaa kusoo adaya oo laba maalmood ka hor ay magaldaasi dib u qabsadeen falaagada Tigray-ga oo bila ka hor howlgal lagu qaaday looga saaray gobalkasi.
Afhayeen u hadlay dowladda dhexe ee itoobiya Redwan Hussein ayaa sheegay in xabad-joojintii ay dowladda halkaas kaga dhowaaqday Isniintii loogu danaynayo dadka rayidka ah in la gaarsiiyo gar’gaar bini’adanimo.
Waa hadalkii ugu horreeyey oo rasmi ah oo uu jeediyey mas’uul ka tirsan dowladda federaalka tan iyo markii Mekelle ay dib u qabsadeen xoogagga tplf .
Dhinaca kale Afhayeen u hadlay ciidamada milatariga wadanka Itoobiya Gen. Becha Debele, waxaa uu dhankiisa sheegay in awooda cidanaka difaca aysan u ba’bac dhigi Karin kooxda Tplf, balse ay fidinayaan dacayado riqiis ah oo lagu marin habaabinayo dadka shacabka ah.
“Hadi loo baahdo si dhib yar ayay ciidamadu dib ugula wareegi karaan gobalka ayu yri Afhayeenka u hadlay dawlada dhexe ee wadanka itoobiya.
Xabad jioojinta ay ku dhawaqday xukumada addis-ababa waxaa qaadacay afhayeen u hadlay maamulka tplf ee ka arimin jiray gobalkaaasi oo lagu magacaabo Getachew Reda.